Turkish Airlines Oo Duulimaadyo Toosa Ka Bilaabaysa Somaliland

0
591

Istanbul (Hargeisa Press): Shirkadda diyaarradaha ee Turkish Airlines ayaa shaacisay in ay duulimaadyo cusub ka bilaabayso caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

Waxaanay Hargaysa ka mid noqonaysaa afar magaallo oo ku kala yaalla wadamo kala duwan oo ay shirkadda Turkish Airline duulimaadyadaasi cusub ka bilaabi doonto.

Sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal kooban oo maanta lagu baahiyay bogga Internet-ka ee shirkadda Turkish Airline.

Wadamada ay duulimaadyadda cusub ka bilaabi doonto Turkish Airline ayaa kala ah dalalka Fergana and Ürgenç  ee dalka Uzbekistan, iyo magaalooyinka Turkistan ee Kazakhstan iyo magaaladda Hargeisa.

Waxaana lagu yidhi qoraalkaasi, β€œTurkish Ailines, waxay shaacinaysaa in ay bilaabi doonto duulimaadyo cusub oo ay ku tegi doonto afar magaallo.

Sida ku cad qoraalka ay baahisay waaxda THY (TΓΌRk Hava Yollari), ee xidhiidhka bulshadda KAPΒ  waxay shaacinaysaa in duuliyaadyadaasi ay ka bilaabi doonto magaalooyinka Fergana and Ürgenç  ee dalka Uzbekistan, iyo magaalooyinka Turkistan ee Kazakhstan iyo magaaladda Hargeisa”.

Maamulka Sare ee shirkadda Turkish airlane ayaa bogaadiyay suuyqada cusub eey shirkadu duulimadyada ka bilaabi doonto.

β€œMaamulka waaxda TΓΌRk Hava Yollari, waxay go’aansadeen in ay bilaabayaan jadwal cusub oo duulimaadyo ah, Fergana iyo ÜrgenΓ§, ee magaalooyinka Β Uzbekistan, Turkistan eeΒ  Kazakhstan iyo Hargeisa.

Tallaabadani ayaanu u aragnaa suuqyo cusub iyo mid fursad noo ah” ayaa lagu yidhi qoraalka ay soo saartay Turkish Airlines.

Geesta kale, shirkadda diyaaradda Turkish Airlines, oo ka mid ah shirkaddaha duulimaadka kuwooda ugu weyn ee dunida ayaa marar dhawra ayay wefti ka socday shirkadda duulimaadka Turkish Airlines ku yimadeen magaaladda Hargaysa, iyadoo ay kulmo la yeesheen masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Dhinaca kale, qoraalkan ay baahisay shirkaddu kuma aanay sheegin wakhtiga rasmiga ah ee duulimaadyadda ka bilaabayaan Somaliland.

HALKAN KA AKHRISO LINK, Warkaasi:

https://havahaber.com/turk-hava-yollari-yeni-rotalari-acikladi/

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here