Xudun: Badhasaabka Sool Oo Soo Kormeeray Deegaanka Dhabar-dalool

0
354

Xudun (HP): Wefti uu hogaaminayay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa gaadhay deegaanka Dhabar-dalool ee degmadda Xudun.


Halkaasoo todobaadkii hore ay ku dagaalameen laba beelood oo walaalo ah oo wadda dega.
Guddoomiyaha Sool waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay xubno isugu jiray madax dhaqameed, odayaal iyo waxgarad ergooyin ah oo ka qayb qaadanaya deminta colaadii beelaha dhexmartay.


“Waxaan tegnay fadhiisimaha, ciidammada Qaranka ee nabadaynta halkaasi u tegay anagoo uga mahad celliyey kaalintoodaas iyo heegganka ay mar walba ay ugu jiraan ilaalinta xasilloonida bulshadooda.

Ergooyinka nabadaynta beelaha walaalaha ayaan iya-na aan la kulanay anagoo gaadhsiinay raashin maddaama Ramadaanna lagu jiro inta arrimaha nabadayntan lagu guda jiro la isticmaalo” ayuu yidhi badhasaabka Sool.


C/qani Jiidhe, ayaa ugu baaqay ergooyinka beelaha dhex dhexaadinaya in ay hawlaha nabadaynta guddo galaan.
Waxaanu yidhi, “Waxaan ugu baaqayaa walaalaha Siyaad Maxamuud iyo ergooyinka nabadaynta ee dhex-dhexaadka ah inay si xilkasnnimo leh u guda galaan ugana midho dhaliyaan da’daallada nabadeed.
Waxaan u mahad-cellinayaa Isimada cuqaasha gobollada Sool iyo Buuhoodle oo dawr miisaan weyn leh ka qaadanaya nabadaynta iyo heshiisiinta Beeshan”.


Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxaa xusid mudan aanan u mahad-naqayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo beesha Siyaad Maxamuud nabadaybtoodii horre ee Adhi-Caddeeye juhdi iyo dawr lama ilawaana ka gaystay, xilligana muujiyey waana qorshaha ka maamul gobol ahaan iyo ciidammada Qaranku-ba ay ku tuun-tuunsanayaan.
Ugu danbayn guddoomiye Jiidhe, ayaa balan qaaday in ay ka dawlad ahaan gacan adag ku qabanayaan cidii nabada ka hor timaadda.


Waxaanu yidhi, “Go’aamada Madaxweynaha waa dhallinta nabad-gelyo sugan, isla markaana gacan adag in lagu qabto cid kasta oo ka hor timaadda, ka dawlad ahaanna waa nagu waajib in aanu fulino”.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Otfice.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here