Turkiga iyo Israa’iil oo Si Buuxda U Soo Celiyay Xidhiidhkooda Diblomaasiyadeed

0
606

Ankara (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Turkiga Erdogan, ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Israa’iil u fadhin doona dalka Turkiga, iyadoo labada dal ay caadi ka dhigeen xidhiidhka ka dhexeeya sanado xiisad ah kadib.

Turkiga iyo Israa’iil, ayaa bilaabay inay hagaajiyaan xidhiidhka ay la leeyihiin kadib booqashooyin heer madaxeed ah sanadkan oo uu ku jiro booqashadii madaxweynaha Israel Isaac Herzog ee Ankara, waxayna ku heshiiyeen inay wada magacaabaan safiiro.

Labadan dal, ayaa ku heshiiyay “in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa marxalad cusub oo xidhiidh ah” oo ku saleysan ixtiraamka danaha labada dhinac.

Irit Lillian, oo aheyd ku simaha safiirka Israel u qaabilsanaa Ankara tan iyo January 2021, ayaa noqotay safiirka cusub, kadib markii ay warqadaha kalsoonida u gudbisay Erdogan.

Labadan dal oo mar ahaa xulufada iskugu dhow gobolka, ayaa muddo ka badan 10 sanadood xidhidhkoodu ahaa mid aan wanaagsaneyn, iyadoo Ankara ay eriday safiirkii Israel kadib markii 2010-kii ay Israa’iil weerar ku qaaday markab gargaar u siday Gaza, kaasoo ay ku dhinteen 10 muwaadin oo Turki ahaa.

Xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labadan dal, ayaa dib loo soo celiyay sanadkii 2016-kii, balse laba sano kadib Turkiga, ayaa u yeedhay safiirkiisii Israel, isla markaana ceydhisay ergaygii Israel, markii ciidamada Israel ay dileen tiro Falastiiniyiin ah oo ka qeyb qaatay banaanbaxyo ka dhacay Marinka Gaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here