Golaha Guurtida oo Soo Dhaweeyay Dhaqan-gelinta Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka

0
1550

Hargeysa (Hargeisa Press) – Golaha Guurtida Somaliland, ayaa soo dhaweeyay dhaqan-gelinta ay Dowladda Mareykanku ku meelmarisay Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo USA.

War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Guurtida Somaliland, ayaa waxa lagu sheegay in Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada ay la shaqayn doonaan dhigooda aqalka Congress-ka Mareykanka.

Bayaankan golaha Guurtidu soo saaay, ayaa daba socda Dhaqangelinta Dowladda Mareykanka ee Sharciga Ogolaanshaha Difaaca Qaranka ee Sannadka Flacal 2023, kaas oo ay ku jiraan xoojinta Xidhiidhka iskaashiga Mareykanka iyo Somaliland.

“Waan soo dhawaynaynaa, waanan ku hambalyaynaynaa Congress-ka Mareykanka ansixintii u dambaysay ee Xeerka Ogolaanshaha Difaaca Qaranka, kaas oo ay ku jiraan awaamiir dhaxal gal ah oo horumarinaysa iskaashigayada muhiimka ah, taariikhda markii ugu horraysay sharci-dejiyayaasha Mareykanka waxay Somaliland ku tilmaameen sharci, kaas oo u baahan Warbixin sannadeedka si faahfaahsan uga hadlaysa kaalmada bini’aadantinimo ee Mareykanka, xidhiidhka diblamaasiyadeed, iyo iskaashiga dhinaca amaanka ee dawladeena.Sharcigu waxa kale oo uu u baahan yahay in wasaaradaha dowladda Mareykanka iyo waaxda Delem ay sahamiyaan wada shaqayn weyn oo ay la leeyihiin Somaliland iyo ka qayb qaadashada danaha amniga qaranka Mareykanka ee Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed iyo Indo-Pacific.

Somaliland, horumarkani waxa uu sii horumarinayaa dhaqaalaheenna, amni iyo istiraatijiyad. Golaha Guurtida iyo Wakiilladu waxa ay rajaynayaan in ay la shaqeeyaan dhiggooda Congress-ka Mareykanka si ay u xoojiyaan go’aannada aynu wadaagno ee ku aaddan dimuqraadiyadda, iyo abuurista Geeska Afrika oo xasilloon oo barwaaqo ah”. ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay golaha Guurtida Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here