Madaxweynaha Jabuuti oo Ku Wajahan Muqdisho iyo Ujeedka Socdaalkiisa

0
1116
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Gelle
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Gelle

Muqdisho (Hargeisa Press) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxaa uu maanta safar ku tagayaa magaalada Muqdisho.

Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa marka uu Muqdisho yimaado waxaa ay isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ay xadhigga ka jari doonaan dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA.

Xaruntaas oo loo aas-aasay inay kaalin weyn ka qaadato soo nooleynta Af-Soomaaliga waxaa dhistay dowladda Jabuuti, waxayna ku taallaa degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa imanaya magaalada Muqdisho wufuud kale oo ka kala imaneysa wadamada Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo maanta Muqdisho ku wajahan.

Si rasmi ah looma oga waxaa uu safarka wufuudan ee Muqdisho, salka ku hayo iyo arrimaha ay kala hadli doonaan madaxda Soomaaliya, marka laga reebo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo xaruntaas xadhigga ka jaraya.

Dhinaca kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde uu maanta xidhan yahay oo laga joojiyey duulimaadyada, sabab la xadhiidha wwfuuda imanaysa Muqdisho.

Hakadka lagu sameeyey duulimaadyada garoonka Muqdisho, ayaa saameyn doona boqolaal qof oo shacab ah oo gudaha Soomaaliya u safri lahaa ama ka iman lahaa iyo boqolaal kale oo safarro caalami ah gali lahaa ama Muqdisho uga iman lahaa.

Sidoo kale, waxaa saaka lagu waabareystay iyadoo ay xidhan yihiin inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in maanta ay sii xidhnaadaan saacado badan, inta ay wufuudu ka laabanayaan Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here