Sool: Ceel Biyoodka Degaanka Saax-dheer Oo La Dayactiray

0
328

Saax-dheer (HP): Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland ayaa mar kale maanta dib u kicisay ceel biyood Riigga ah ee degaanka Saaxdheer ee gobolka Sool.
Ceel biyoodkaasi oo muddooyinkan danbe u fadhiyay cilad ka soo gaadhay dhinaca biyo soo saarka, isla markaana aanay bulshadda degaankaasi waayadaas wax biyo ah ka cabin.
Hase yeeshee, ceelkaasi ayaa mar kale sidiisii hore ee biyaha badan looga cabi jiray dib loogu soo celiyay, kadib markii ay wasaaradda biyaha Somaliland dayactir iyo hagaajin ku samaysay.
Waxaanay kooxda dayactirka ceelasha ee wasaaradda biyaha Somaliland ku guulaysteen in ay dib uga shaqaysiiyaan ceelkaasi.

Geesta kale bulshadda degaanka Saax-dheer, ayaa si weyn u soo dhaweeyay in dib looga shaqaysiiyo ceelkaasi oo ay biyihiisa nololshoodu ku tiirsan tahay.

DAAWO: Shacabka Saax-dheer Oo Soo Dhaweeyay Dayactirka Ceelkaasi:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here