Somaliland: Wasiirka Madaxtooyada oo sharraxay Qorshe lagu higelinayo Halbeeg lagu jaan-goynayo Dhismaha waddooyinka dalka

0
945

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshe dawladdu ku hirgelinayo halbeeg loo raacayo dhismaha waddooyinka dalka kaas oo hawsha diyaarintiisa lagu gudo-jiro..
Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland oo kaashanaysa hay’adda ILO, ayaa kulan-hawleed shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa ku soo bandhigay buugaag loogu talo-galay inay halbeeg lagu sar-goyn doono tayada iyo noocyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qoraal uu ku baahiyey barta uu internetka ku leeyahay ku faahfaahiyey qorshaha lagu hirgelinayo halbeegga loo samaynayo dhismaha waddooyinka iyo Xeerka Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo uu sheegay in gacanta lagu hayo.
Qoraalka wasiirku arrintan ka hadlay, ayaa u qornaa sidan: β€œDiyaarinta Qabyo-Qoraalka Halbeega Waddooyinku Dalku Waa Talaabo Horumar ah oo Horay loo Qaaday β€œRoads Standard Manuals”
Waxay ahayd maanta kadib markii kulan hawleed qaadan doona maalmo aanu ku daah furnay buuggaag qabyo-qoraal ah β€œDraft” oo looga gol leeyahay horumarinta iyo hagaajinta Waddooyinka dalka.
Talaabadani Waa bilow wanaagsan oo Waddooyinka dalkeena ka socda loogu dejin doono Halbeeg la raaco oo laga siman yahay.
Bandhiggan maantu (shalay) waa bilow qabyo-qoraal ah, waxaanan ka codsanayaa cid walba oo tallo, toosin iyo tilmaam-ba haysa in ay ku soo darto Anaguna Waanu Qiimaynaynaa Taageeradiina Waanan Qaadanaynaa Talooyinkiina.
Waxaan bogaadinayaa Hay’adda ILO oo kaashanaysa Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland β€œRDA” oo qabyo-qoraalkan gacan wayn ka gaysatay.
Buugta ayaa ka kooban:
1- #Pavement Design- Manual β€œVolume 1”
2- #Pavement Design Manual β€œVolume 2”
3- #Pavement Design Manual β€œVolume 3”
4- #Geometric –Design – Manual
5- #Drainage Design Manual
6- #Bridge Design Manual
7- #Road Furniture Manual
Sidoo kale waxaa gacanta lagu hayaa xeerkii Waddooyinka dalka β€œSomaliland Roads Act” oo marka uu dhammaado Wakaaladda u diyaarin doona in ay noqoto Hay’ad Madax banaan oo lugaheeda isu taagta, waxaanu ku dedaalaynaa in Waddooyinka dalku noqdaan kuwo leh: – Road Standard Manual
– Policy and Procedure
– Somaliland Roads Act
Kuwaas oo dhamaantood taageeri doona hanaanka Waddooyinka dalka oo dabcan ah muftaaxa horumarka.
Waxaa dhab ah horumarka dalkeena ka socda ee dhinac walba leh in uu u baahan yahay Aqoontiina, Taladiina iyo Taageeradiina, hadaba, aynu dhamaanteen gacan ka gaysano taabo gelinta Qarankeena iyo Xaqiijinta Himiladeena,” ayuu wasiirku ku sheegay qoraalkiisa.

 

Hargeisa Press News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here