orodyahanka Mo Farah Walaalkii oo laga yaabo in loo Tarxiilo Somalia

0
1026

LONDON, (HargeisaPress) — Ahmed Faarax oo 25-sano jir ah oo ay walaalo yihiin orodyahanka Mo Faarax ayaa lagu wadaa in loo tarxiilo Somaliya ,iyado oo sanadkii 2010-ka Axmed lagu soo qabtay xiisado ka dhacay South Hall oo ku taalla galbeedka London ee caasimadda dalka Ingiriiska.

 

Waxaa muddo uu ku xidhnaa xabsi lagu magacaabo Dungavel oo ku yaalla Lanarkshire oo isla London ka tirsan ,waxaana uu dowladda ka sugayaa go’aanka ay ka qaadan doonto kiiskiisa ka dib markii laga sii daayay xabsigii uu ku xidhnaa horaanti bishan.

 

Axmed ayaa Biritin yimid 23-sano ka hor isaga iyo walaalkii ka weyn Mo Faarah ,iyado qorshaha dowladda ee dib loogu celinayo Ahmed Somaliya ay daabaceen qaar kamid ah wargaysyada ka soo baxa London.

Sidoo kale, qaar kamid ah qareenada difaaciyay Axmed ayaa sheegay in eedaymaha loo haysto uusan qayb-ka ahayn ,isla markaana aysan dowladdu xaq u lahayn in muwaadin dhalashada dalka haysta dib loogu celiyo dal aysan xasiloni fadhida ka jirin.

Ugu danbayntii walaalka la dhashay Axmed oo ah orodyahan ayaa caan ka noqday gudaha Ingiriiska iyo caalamka oo idil mudoo gaaban gudaheed, waxaana uu marar badan ku guulaystay bilado qaali ah,isaga oo ordaya wadanka Biritin.

 

Mo Farah’s brother is released early from prison and could be deported from Britain after his part in knife raid

  • Ahmed Farah, 25, is facing being deported from Britain back to Somalia 
  • Was jailed in 2010 for his part in a knife raid in Southall, west London in 2010
  • Reported that he is being held at Dungavel Detention Centre in Lanarkshire 
  • Is now awaiting an immigration tribunal after an earlier case collapsed 
  • Moved to Britain from Somalia 23 years ago with his older brother Mo 

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here