Xildhibaannad Guurtida oo Dood Xasaasi ah ka yeeshay Dhaqaalaha gaarka ah iyo Wax-soo-saarka dalka

0
956

guurtiHargeysa, (HargeisaPress) β€” Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa dood aad u adag oo xasaasi ah ka yeeshay Wax-soo-saarka iyo Kobcinta Dhaqaalaha waddanka, isla markaana waxa ay Xukuumadda talada haysa ku dhalliileen Biraha Iskaraabka ah ee kala duwan oo maalin walba dalka laga dhoofiyo, isla markaana sifo sharci-ga waafaqsan aan ku bixin sida ay ku doodeen Mudanayaasha qaarkood.
Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golahaas Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa waxa uu furitaankii fadhigaas Mudanayaasha ku wargeliyey in Xeerka Xabsiyada oo Guddi loo saaro, Guddigaas oo Guurtida ka tirsan ayuu Mudanayaasha ka hor-akhriyey magacyadooda. Waxa kale oo uu Xildhibaannada ku wargeliyey in qodobka doodda Mudanayaashu ku saabsan yahay fadhiga shalay uu yahay qodobka lixaad ee qodobbada Ajandaha Kal-fadhigan oo ah Kobcinta Dhaqaalaha gaarka ah iyo Wax-soo-saarka dalka.
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg), ayaa ugu horreyn dood dheer oo qodobkaas ku saabsan ka jeediyey fadhigaas shalay, waxaanu taabtay meelo kala duwan oo dhaqaale-xumada inay horsed u tahay uu sheegay. β€œSoomaalidu waxay ku maahmaadaa Ruqe Ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo’! dalka wax-soo-saarkiisa, Dhaqaalihiisa iyo Kobcintiisa mar walba waynu ka hadalnaa, waxaa aynu ku hadalno mar qudha iyadoo wax laga qabtay ma arko, markaa waxa weeye kollay waynu hadli jirnay ee tanna taladii hore halkay mari jirtay ha martee aan ka daba-geeyo.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg.
Waxaanu intaas ku daray; β€œMaanta Somaliland Mindi wax lagu gawraco oo dibed ka timaadda ama Yemen ka timaadda mooyaane mid dalka lagu tumaa ma taallo, waayo? Dadkii Sancadaa Birtu way yuururaan, Shaqadoodii waa laga qaaaday oo way fadhiisatay. Karaatoon Midniyo ah, Karaatoon Gudmo ah, Karaatoon Maxaadho ah iyo Karaatoon xataa Mudicii wax lagu mudayey dibeddaa laga keenayaa. Dawladdu way arkaysaa, iyadaa nooga cilmi badan, way ogtahay, iyadaa dhaqaaleheeda baabbi’inaysa dawladdu.”
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo dooddiisa sii watay waxa uu yidhi; β€œWaxay kari la’dahay dawladdu inay tidhaahdo wax dalkayaga laga soo saari karo dibedda lagama keeni karo ama in ay Cashuurta toban laab kaga dhigto. Gudinta labada Boqol ee Kun maanta maraysa shan iyo toban kun (15,000) oo Lacagta Somaliland ah baannu ku tuman jirnay, Kaabaanka gaadhiga ee jaba ayay meelahaas Geerashyada ka soo qaadan jireen oo ka tumi jireen (Gudmaha), sidaas ayay immikana Ciyaalku u taagan yihiin Bir yar oo dhacda waa la qaadayaa, Xaafad walba (Xaafadaha Hargeysa) waxa ka samaysan Afar Xero oo lagu miisaamo Biraha iyo Xashiishkooda, waxa la geynayaa (Itoobiya) maalin walba lix Baabuur ama toddoba Baabuur oo Biro ah ayaa Hargeysa ka baxa, waxa ku jira Dhiishashka (Saxammada TV-yada lagu daawado) oo habeenkii inta la xado oo la burburiyo la miisaamayaa.”
β€œHadalka lagama baydh-baydho waa arrin la isla ogyahay. Wasiir Cali Waran-cadde halkaas (Golaha) ayuu soo fadhiistay, waxaan ku idhi; β€˜Mudane Wasiir Wasaaraddaad tagtaba wax baad ka qaban jirtay ee arrintaa Biraha ayaannu marar badan ka hadalnay waxna lagama qaban ee wax ka qabo.’ Ballan buu ku qaaday inuu wax ka qabanayo, waxna kama qaban, waxaanu uga qaban kari waayey waa wax la isla ogyahay, Baabuurtaa Biraha rartaana waxay sitaan Liisan ay Kastammada iyo Kaantarroollada ku dhaafaan, waxaana liisankaa isla og Wasaaradda Daakhiliga iyo dawladda Hoose.” Sidaa ayuu dooddiisa ku yidhi Xildhibaan Dheeg.
Sidoo kale, mid ka mid ah Mudanayaasha Fadhigaa shalay dooddooda ka dhiibtay, ayaa yidih; β€œRaggaa Farsamo-yaqaanka ah ee Birta tumi jiray waa in Raggaa shaqadooda loo soo celiyo, sida loogu soo celin karaana waxa weeye in Mindiyahaa iyo waxaa soo degaya Cashuurta lagu kordhiyo, isla markaana ay Xukuumaddu Siyaaasad cad ka yeelato, gaar ahaan Wasaaradaha Ganacsiga iyo Maaliyadda oo la dhiirrigeliyaa nimankaas Birta tumi jiray oo Sancadooda in kor loo qaado lagu dedaalaa, waayo? Bir-tume oo dhan baa meesha ka baxay.”
β€œXagga Biraha Iskaraabka ah ee la rarayo, waxaad mooddaa inay qaab sharci ku baxayaan, sharcigay ku baxayaanna waxaad mooddaa inaanu waafaqsanayn sharciyadda, oo Sharci Iskaraabka ka hadlayaa Golayaal ahaan innama soo marin. Waxaanan leeyahay Guddi halloo saaro arrintaa Iskaraabka Wasiirka arrimaha gudaha wax ka weydiisa qorshihiisa ku saabsan biraha.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaankaas oo dooddiisa sii watay.

Hargeisa Press News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here