Somaliland: Tirada Dadka U Geeriyooday Fayraska Dengue oo La Shaaciyay

0
2121

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa waxaa ay shaacisay tirrada dadka u geeriyooday xannuunka Xummadda ee Dengue iyo kuwa cusbitaalada u jiifa xannuunka, kaasi bilooyin kahor lagu arkay Somaliland, islamarkaana si weyn ugu faafay dalka.

Xummadda Fayraska Dengue, ayaa sababtay in bilihii u danbeeyay ay u dhintaan Dad baddan guddaha Somaliland, waxaana Cusbitaalada jiifa bukaano tiro baddan oo daryeel ahaan loo keenay, kuwaas oo tiradoodu kordhayso maalinba maalinta ka danbaysa.

Cusbitaalka guud ee Hargeysa, ayaa noqday mid dadka ugu badan ee uu haleelo xannuunkani la dhigo, halka kuwo kalena la geeyo cusbitaalada gaarka loo leeyaha, waxaana jira kuwo guryahooda lagu hayo iyo kuwo awooddi waayay in ay gaadhaan Cusbataalada.

Bukaanadda xummadda daran ee uu dhaliyo fayraska Dengue, ayaa loo qorsheeyay Waadh gaar ah si loo daryeelo xaalladooda caafimaad, balse waxay hawlwadeenada iyo weliba qaarka mid ah Bukaannada kasoo samatabaxay u sheegeen Shabakada Hargeisapress in bukaannada qaarkood ku geeriyoodeen cusbitaalka intii lagu jiray gurmadka caafimaad ee loo samaynayay, kuwaas oo xaalladooda waxba laga qaban kari waayay.

Daawooyinka Ay Ka Digayaan Khuburada Caafimaadku iyo Kuwa Lagula Tacaalo Fayraska Dengue

Fayraska Dengue oo ku cusub Somaliland, maaha mid si dhab ah bulshadu uga warhayso sida uu ku yimaado, xaaladdaha uu sababo iyo dawooyinka ilaa hadda khuburadu ku talinayaan in la cuno iyo kuwa laga digayo.

Hadaba, shir ay isugu yimaadeen wasaaradda caafimaadka Somaliland guddiga xaaladdaha degdega ah, ayaa lagu shaaciyay tirrada dhimashada xannuunka, dadka cusbitaalada u jiifa, xaaladihii u dambeeyay ee laga diwaan geliyay xannuunka iyo talaabooyinkii la qaatay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye oo shirka guddoominayay, ayaa markii uu kulankaasi soo dhamaaday bulshada la wadaagay waxyaabihii ka soo baxay iyo xogihii ay guddigu soo saareen ee ku aadanaa xannuunka xummadda.

Shirkan, ayaa laga soo saaray 8 qodob oo ku aadan xannunka xummada, waxaanay u dhignaayeen Sudan:-

1.dhamaan goboladda dalka waxaa xarumaha Caafimaadka soo gaadhay 14kun (afar iyo toban kun) oo qof oo ay haleeshay Xumadda.

2.Waxaa u dhintay Xumadda inta la xaqiijiyay 26 qof oo ah dadkii soo gaadhay Xarumaha Caafimaadka ee dalka.

3.In ilaa hadda uu yahay gobolka Maroodijeex meesha ay ugu daran tahay xumaddu .

4.waxaa la diyaariyay Ilaa 300 oo xarumood dalka oo dhan si loogula tacaalo xaaladda xumadda ah oo iskugu jira Cusbitaalo, xarumaha Hooyadda iyo dhalaanka (MCH) iyo Rugo Caafimaad oo ah kuwa ay dawladu xukunto.

5.Waxaa la diyaariyay ilaa 7 Cusbitaal oo waawayn oo ku kala yaala dhamaan goboladda dalka si dadka ay xaaladoodu Culustahay loo keeno, si ay uga helaan adeeg Caafimaad oo dhamaystiran.

6.Waxa ay Wasaaraddu la shaqaysay oo ay Tababar siisay Shaqaalaha Caafimaadka ee Cusbitaalada gaarka loo leeyahay sidoo kalana Wasaaraddu la socotaa sida ay kiisasku ku yihiin.

7.waxay Wasaaraddu iyadoo kaashanaysa Haayaddaha kala duwan ee Dawladda Biifisay 170 goobood oo ku kala yaala Dhamaan goboladda iyo dagmooyinka dalka.

8.Wasaaradda horumarinta caafimaaddka ayaa samaysay Wacyigelin balaadhan oo dhinacyo badan ah oo ku Saabsan Xanuunkan waxa keena iyo sida looga hortagi karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here