Duqeymo Cirka Ah oo Ka Dhacay Itoobiya iyo Dad Lagu Dilay

0
522

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Dad rayid ah, ayaa lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ka dhacay magaalada Mandi ee galbeedka Itoobiya, oo qiyaastii 500km dhanka galbeed ka xigta caasimadda Addis Ababa, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Dadka deegaanka, ayaa sheegay in duqayntu ay maalintii Arbacada la soo dhaafay ka dhacday magaalada ay maamulayeen malleeshiyaadka Oromada (OLA) maalmo uun kadib markii ay dagaal la galeen ciidamada amaanka ee dowladda.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo magaciisa qariyay, ayaa sheegay in dowladdu ay bartilmaameedsanayso maleeshiyaadka balse dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay u badan yihiin dad rayid ah.

Qof kale oo ka mid ah dadka magaalada, ayaa ku sheegay tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay duqeyntaasi ugu yaraan 20 qof.

Waxa uu sheegay in ku dhawaad ​​7 ilaa 8 qof ay isla markiiba dhinteen halka 13 kalena la dhigay cusbitaalka oo ay halkaasi ugu geeriyoodeen dhaawacyadii soo gaadhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here