Somaliland Oo Shaacisay Olalaha Talaalka Jadeecada iyo Dabaysha

0
748

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka JSL ayaa maanta si rasmi ah u daah-furayay Olalaha Talaalka isku dhafan ee Jadeecada iyo Dabaysha.

Talaalkaasi oo maalinta beri ah ka bilaabmi doona guud ahaan gobolada iyo dagmooyinka dalka.

Agaasimaha guud ee WHC Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye, oo ay Wehelinayaan agaasimaha waaxda Caafimaadka guud Dr-Mahdi daahir bahdoon, Axmed Maxamed Jaamac oo ka socday haayadda UNICEF iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa Xarunta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ka daah-furay Olalaha Talaalka isku dhafan ee Jadeecada iyo Dabaysha oo ka bilabmi doona guud ahaan gobolada iyo dagmooyinka dalka.

Ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay Dr-Axmed Maxamed Jaamac oo ka socday Haayadda UNICEF oo Wasaaradda kala shaqaynaysay hirgelinta talaalkan, ayaa xusay in talalkan muhiimadiisu tahay inayu hubino in ilmo kasta oo reer Somaliland ahi uu Helo adeeg Caafimaad oo suuragal uga dhigi kara in uu koro oo Caafimaad qab u kobco oo uu u gaadho himiladii laga lahaa nolosha Mustaqbalkiisa.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka oo si rasmi ah daah-furay Olalaha Talaalka isku dhafan ee Jadeecada iyo Dabaysha ayaa Bulshda la wadaagay In maalinta beri ah oo bishu tahay 21.12.2022 in uu si rasmi ah ug a bilaabmi doono talaalka jadeecaddu guud ahaan gobolada iyo dagmooyinka dalka.

Agaasimaha ayaa xusay in talaalka jadeecaddu uu muhiim u yahay caruurta gaar ahaan caruurta 5ta sano ka yar, sidoo kalana xanuunka jadeecaddu yahay mid dilaa ah oo sannad walba galaafta caruur badan oo ku kala nool guud ahaan caalamka.

Sidaa darteed waxaynu samaynaa inaynu ka talaalno caruurteena oo aynu mar walba soo celino talaalka si aynu talaalka uga gaadhno heer Wanaagsan, sidaa darteed ay muhiim tahay in ay bulshadeenu ku baraarugsanato qaadashadda Talaalka.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa dadaal adag ugu jirta sidii adeegyadda Cafimaadka loo gaadhsiin lahaa dhamaan gobolada iyo dagmooyinka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here