Erdogan oo Si Adag Ugu Jawaabay Dalalka Reer Galbeedka

0
533
Erdogan oo Hanjaad Culus U Diray Dalka Armenia
Recep Tayyip Erdogan

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa maanta ka jawaabay dhalleeceynta Reer Galbeedka ee ku aadan xayiraadda siyaasadeed ee lagu soo rogay duqa magaalada Istanbul kahor doorashooyinka guud ee sanadka dambe.

Maxkamad, ayaa toddobaadkii tegay ku xukuntay Ekrem Imamoglu in ka badan laba sano iyo badh xabsi ah, waxayna ka mamnuucday inuu xil qabto sababo la xidhiidha “inuu aflagaadeeyey mas’uul dowladeed” 2019-kii.

Kiiska, ayaa ka dhashay doorasho muran badan dhalisay oo guushii hore ee Imamoglu la naskahay, kahor inta aan lagu celin oo aanu mar labaad ku guuleysan.

Imamoglu, ayaa loo arkaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ay suurtagalka tahay inuu Erdogan kaga adkaan karo doorashada madaxweyne ee 2023.

Duqa magaalada Istanbul oo 52 jir ah, ayaa xilka sii hayn doona illaa laga soo geba-gebeynayo kiiska racfaanka.

Dowladda Mareykanka, ayaa hoggaamisay dhalleeceyn caalami oo ka dhan ah maxkamadeynta.

Waaxda Arrimaha Dibedda, ayaa sheegtay “inay aad u dhibtay ugana niyad-jabtay” halka Jarmalka ay ugu yeedheen “jug culus oo gaadhay dimoqraadiyadda.

Hase yeeshee madaxweyne Erdogan, ayaa maanta u sheegay taageerayaashiisa in quwadaha shisheeye ay isku dayayaan inay kiiska u adeegsadaan inay ku faro-geliyaan siyaasadda Turkiga kahor doorashada.

“Ma aragtaan injineerada siyaasadeed?” ayuu Erdogan weydiiyey taageerayaashiisa.

“Ma aragtaan quwadaha shisheeye ee dambi shaqsiyeed u adeegsanaya inay ku maamulaan siyaasadda dalkeena?”

Xukunka lagu riday Imamoglu, ayaa kumanaan kun oo taageerayaashiisa ah isugu keenay waddooyinka magaalada Istanbul.

Qaar ka mid ah fallanqeeyayaasha, ayaa rumeysan inay dhiiri-gelin karto ololaha mucaaradka Turkiga ee sii liicaya, kuwaas oo weli ku muransan cidda ka hortagi laheyd Erdogan sanadka xiga.

Erdogan, ayaa muddo saddex maalmood ah diidanaa inuu ka falceliyo xukunka.

Wuxuu kadib iska fogeeyey go’aanka isaga oo sheegay in weli racfaan laga qaadan karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here