Somaliland iyo Qaramada Midoobay oo Xal Ka Gaadhay Khilaaf Ka Dhex Aloosan

0
1938
Madaxweyne Biixi iyo James Swan
Madaxweyne Biixi iyo James Swan

Hargeisa (Hargeisa Press) β€” Xukuumadda Somaliland iyo Qaramada Midoobay ayaa xal ka gaadhay khilaaf soo jiitamayay oo mudo ka dhex cakirnaa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo kulan la qaatay Wefti uu hoggaaminayey Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayay kaga wada-hadleen sidii loo sii wadi lahaa Wada-hadallo salka ku haya wada-shaqaynta Qaramada iyo Somaliland, taasi oo Xukuumadda Somaliland hakad gelisay, markii sida la sheegay Qaramada Midoobay hawlaha ay dalka ka hayso waafajisay Qorshaha Soomaaliya ee shanta sanadood ee soo socda, taasi oo Somaliland ka biyo diidday.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin nidaamka wada-shaqaynta Somaliland iyo qaramada midoobay, qorsheyaasha iyo barnaamijyada hay’adaha qaramada Midoobay salka u noqon doona.

Waxaanay Somaliland iyo Qaramada Midoobay ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada-hadalkii iyo kulamadii ay kaga wada xaajoonayeen arrimaha wada-shaqaynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Somaliland, sidoo kale, waxa ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo taageerada qaramada midoobay ka gaysan karto.

Dhinaciisa, ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay waxa uu ku bogaadiyey xukuumadda, Axsaabta qaranka, Komishanka doorashooyinka qaranka iyo shacabka Somaliland sida ay diyaarka ugu yihiin, uguna midaysan yihiin qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka.

Ugu dambayn, waxa kulankaas la sheegay in diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo horumarka mandaqadda Geeska Afrika iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jirto Jamhuuriyadda Somaliland.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay waxa wehelinayey madaxda hay’adaha qaramada midoobay ee WFP, UN Women, UNHCR iyo masuuliyiin kale oo katirsan xafiisyada qaramada midoobay ee Somaliland.

Somaliland ayaa dhamaadkii sannadkii hore joojisay Hawlihii Qaramada Midoobay ka haysay dalka, ka dib markii ay soo baxday in qorshaheeda Waxqabad ee afarta sanadood ee soo socda uu waafaqsan yahay ka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here