Erdogan oo Jeediyey Hadal Guux Badan Abuuray

0
830
Recep Tayyip Erdogan
Recep Tayyip Erdogan

Ankara (Hargeisa Press) β€” Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa hadal lama filaan ah oo kasoo yeedhay ku sheegay in Turkigu uu u baahan yahay inuu yeesho dastuur cusub, taasi oo abuurtay guux badan oo ku saabsan inuu doonayo inuu xukunka sii dheereysto.

Erdogan, oo 66 jir, ayaa ra’iisal wasaare ama madaxweyne ka ahaa Turkiga tan iyo 2002, isaga oo mar ka bad-baaday isku day afgambi.

Waxa uu sanadii 2017 gadaal ka riixay isbeddel lagu sameeyey dastuurka, oo lagu baabi’iyey jagada ra’iisal wasaaraha, laguna abuuray mid madaxweyne.

Waxa uu kadib 2018-kii ku guuleystay xilka madaxweynaha, taasi oo ah xilliga koowaad ee labada muddo xileed ee ka kooban min shanta sano, ee dastuurka u ogol yahay muwaadinka inuu madaxweyne noqdo.

Turkiga ayaa la filayaa inay doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha qabato bisha June ee 2023, taasi oo macnaheedu yahay in xukunka Erdogan uu dhammaan doono 2028, haddii dib loo doorto.

Hase yeeshee kadib markii uu guddoomiyey shirka golaha wasiirada ee Isniintii, ayaa Erdogan wuxuu soo jeediyey in la qaato dastuur cusub oo beddelaya midka hadda jira oo la isticmaalayey tan iyo 1982-kii, kadib afgambi militari oo dhacay.

β€œWay caddahay in isha dhibaatooyinka Turkey ay tahay in dastuurka ay qoreen kuwii dowladda afgambiyey,” ayuu yidhi Erdogan.

β€œWaxaa la joogaa wakhtigii dib loo furi lahaa doodda dastuur cusub. Haddii aan isku fahanno xisbiga talada nala wadaaga, tallaabo ayaan mustaqbalka ka qaadi karnaa dastuurka,” ayuu yidhi.

Xisbiga AKP ee Erdogan ayaa waxay xulufo yihiin xisbiga MHP.

Hadalka madaxweynaha ayaa dadka qaar u fasirteen inuu doonaya inuu meesha ka saaro muddo xileedka madaxweynaha ee ku kooban labada goor, si uu mar saddexaad u ordo haddii uu kusoo baxo doorashada 2023.

AFP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here