Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamanka Somaliland oo Geeriyooday

0
1464
Xildhibaan Bulqaas
Xildhibaan Bulqaas

Ankara (Hargeisa Press) β€” Ale ha u naxariistee waxaa maanta dalka Turkiga ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo ka tirsanaa Golaha Wakiiladda Somaliland.

Xildhibaan Bulqaas ayaa dalka Turkiga loogu qaaday xaalad Caafimaad, isagoona maanta u geeriyooday xanuunkaasi la soo dersay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay geerida Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas.

Madaxweynaha ayaana eheladii,qaraabadii iyo Qaranka Somalilandba ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Marxuum Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo ka tirsanaa Golaha Wakiiladda Somaliland.

Qoraal Tacsi ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, soona gaadhey Warbaahinta Hargeisapress ayaa u dhignaa sidan:-

β€œMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, labada gole ee wakiilada iyo guurtida, gaar ahaan golaha wakiilada, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 04/02/2021 Dalka Turkiga oo uu xaalad caafimaad ugu maqnaa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey xildhibaan ka baxay qaranka Somaliland iyo shacbigiisa, door muhiimana ka soo qaatay dedaaladii kala danbeeyey ee dalku soo maray.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, labada gole ee wakiilada iyo guurtida, gaar ahaan golaha wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here