Somaliland: G. Wakiilada Oo Iska Fogeeyay Eeddo La Xidhiidha Dacwada Coldoon

0
399

Hargaysa (HP): Golaha wakiilada Somaliland ayaa iska fogeeyay mid kamid ah qodobada lagu soo eedeeyay saxafiga Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo dhawr biloo ka hor laga soo xidhay magaaladda Burco.

Eedahaasi oo sheegayay in aqalka golaha wakiilladu uu ka mid yahay dhibanayaasha soo dacweeyay Coldoon.
Xildhibaan Axmed Khaliif Jamac, oo ka tirsan xildhibaanadda golaha Wakiiladda ayaa warbaahinta u akhriyay warqad galaha kasoo baxday.

Waxaanu sheegay in goluhu aanu wax lug ah ku lahay eedaha loo haysto Coldoon.
Sidoo kale, qaar kamid ah xildhibaannada, ayaa sheegay in xeer ilaalinta la waydiin doono, cida golaha ka been fariintay ee dacwadan u gudbisay.
Geesta kale Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa waajahaya eedo ay kusoo oogeen dugsiyo waxbarasho, waalidiin iyo dad kale.

Isagoo muddo bilooyin ah xabsiga Madheera ku jira, kadib markii uu sheegay in dugsiyo waxbarasho oo Somaliland ku yaala laga faafiyo diinta Masiixiga.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here