“Waxaynu nahay dawlad itaal darran miisaaniyadeenu waa 350 milyan”…

0
440

Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa daah-furay barnaamij lagu soo bandhigi doono waxqabadka xukuumadda madaxweyne Biixi, ee Afartii sanadood ee la soo dhaafay.
Waxaana barnaamijkaasi laga daah-furay xarunta wasaaradda warfaafinta ee magaaladda Hargaysa, iyadoona uu furay wasiir Saleebaan Cali Koore, oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah golaha wasiirradu.
Barnaamijkaasi ayuu wasiir Koore, sheegay in bulshadu ay su’aallo toosa madaxda dawlada ka waydiin doonto shaqooyinka ay u xil saaran yihiin qaranka.
Wasiirka warfaafinta Saleebaan Cali Koore, oo khudbad ka jeediyay daah-furka barnaamijkaasi ayaa sheegay in ay ugu tallo galeen in aan madaxda dawladda iyo shacabkoodda loo dhaxaynin.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here