Carwadda Wershadaha Somaliland Oo Hargaysa Ka Furantay

0
596

Hargaysa (HP): Waxaa maanta magaaladda Hargaysa ka furantay Carwadda Wershadaha ee Somaliland taasoo u jeedadeedu tahay sidii bulshadda loogu dhiiri gelin lahaa wax soo saarka dalka.


Carwadaasi ayaana socon doonto muddo lix maalmood ah ayay wershadleydu ku soo bandhigi doonaan wax soo saarkoodda.


Waxaana furitaanka carwadaasi ka qayb galay wasiirrada wasaarradaha Ganacsiga, Maaliyadda, guddoomiyaha rugta ganacsiga, maayarka Hargaysa, iyo masuuliyiin kale.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here