Somalia: Xidhibaanadii Laga Mamnuucay Fadhiyada Barlamaanka oo War Soo Saaray

0
825
Xidhibaanada laga mamnuucay fadhiyada barlamaanka Soomaaliya
Xidhibaanada laga mamnuucay fadhiyada barlamaanka Soomaaliya

Muqdisho (Hargeisa Press) – Xildhibaanadii laga joojiyay ka qeybgalka fadhiyada barlamaanka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka uu soo saray guddoomiyaha golahaasi Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Xidlhibaannada oo tiro ahaan dhan 15 mudane ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabtay hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, waxay guddoomiyaha barlamaanka ku eedeeyeen inuu daba ka riixayo inuu barlamaanku galo fowdo iyo qalalaase ay madaxtooyada dabada ka riixayso.

Xildhibaanadda ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada NISA ee barlamaanka la geeyay ay dil ugu habjabeen xildhibaanada kasoo horjeestay waxay ugu yeedheen muddo kordhin sharci darro ah.

Dhinaca kale, xildhibaanadu waxay si cad u sheegeen in ay berrito tegidoonaan xarunta barlamaanka islamarkaana ayna u joojin doonin go’aanka lagaga mamnuucay fadhiyada soo soccda.

β€œShirka berri waan tagaynaa, warqada dhiiggeena lagu banaystay ee askarta loo dhiibay, wiixii nagasoo gaadha waxaa si shakhsiyan ah masuuliyaddeeda u qaadi doona guddoomiye Mursal,” ayuu yidhi xildhibaan Mahad Salaad.

Xildhibaanada waxay sheegeen in aanu jirin xeer guddoomiyaha u oggolaanaya go’aanka uu soo saaray, waxayna tilmaameen awoodda kaliya uu guddoomiyuhu leeyahay in ay tahay inuu xiro fadhiyada haddii uu buuq yimaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here