Taiwan oo Agabka Covid-19 Ku Wareejisay Wasaaradda Caafimaadka

0
1582

Hargeisa (Hargeisa Press) – Safiirka dowladda Taiwan u fadhiya Somaliland ayaa maanta Wasaaradda horumarinta Caafimaadka ku wareejiyay agab caafimaad oo u gaar ah Covid-19.

Qalabka ay dawladda Taiwan ku wareejisay wasaaradda Caafimaadka ayaa isugu jira Surgical Masks.Isolation Gowns. Coveralls Head Covers. Shoe Covers. Hazmat Suites.

Dowladda Taiwan ayaa hore Somaliland u soo gaadhsiiyay qalab kala duwan oo u gaar ah Xanuunka Covid-19 Tan iyo intii uu dalka bilaabmay March 2020.

Waxaanay dowladda Taiwan ay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland soo gaadhsiisay qalab caafimaad oo aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin mashiinnada cudurka lagu baadho, dawooyin iyo dhammaan qalabka ka hortagga cudurka COVID-19. Sida ay sheegeen Masuuliyinta Wasaaradda Caafimaadka.

Guud ahaan cudurka Somaliland waxaa laga helay 2,855 qof halka tirada dhimashada waxaa ay gaadheysaa 133 qof.

Waxaanay xukuumada Somaliland dhawaan sheegtay in labadii bilood ee la soo dhaafay uu dad badan soo ritay xanuunka Covid-19 oo mawjaddii labaad ah.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in ay xooga saareyso wacyigelinta iyo qaababka kale ee lagaga hortagayo faafidda cudurka haddii loo baahdana ay soo rogi doonaan tallaabooyin dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here