Wasiirka Warfaafinta Somaliland iyo Wefti Uu Hoggaaminayo oo Gaadhay Gobolka Sool

0
661
Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo gaadhay Sool
Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo gaadhay Sool

Laascaanood (Hargeisa Press) – Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacy’gelinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay degaannada Gumays, Yeyle iyo Gol-janno oo ka tirsan gobolka Sool.

Weftiga wasiirka warfaafinta Somaliland waxa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo ah murashax u taagan doorashada golaha Wakliillada, isuduwaha wasaaradda biyaha ee gobolka Sool Axmed Maxamuud Xirsi iyo mas’uuliyiin kale.

Waxanay sheegeen u jeedka socdaalkoodaasi uu salka ku hayo sidii ay xogogaal ugu noqon lahaayeen xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku nool degaanadaas, waxaanay xuseen in ay u qodi doonaan afar ceel kuwaas oo laga hirgelin doono degaannada hoos yimaadda gobolkaas.

Ugu dambayn waxa halkaas hadal u jeediyay dadweynaha ku nool degaanka Gol-jano Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wecyi’gelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon.

Waxaana ay sheegeen in degaanadaas ay marayan laga qodi doono afar ceel, kuwaas oo ka ugu horeeya laga qodi doono degaanka Goljano, waxaanay intaas ku dareen in xukuumaddu dadaal ugu jirto daboolida baahiyaha biyo ee ka jira gobolka Sool iyo degaannada hoos yimaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here