Wasiir Koore oo Baaq iyo Digniin U Jeediyay Warbaahinta

0
735
Wasiir Saleebaan Cali Koore

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa waxaa uu baaq u soo jeediyay warbaahinta qaybahaheeda kala duwan we ka howlgala dalka, isaga oo ugu baaqay in ay qaataan liisanka ganacsi ee xagga mihnada saxaafadda.

Wasiir Koore, ayaa waxa kale oo uu warbaahinta qaybaheeda kala duwan ku wargeliyay in ay iska xaadiriyaan hay’addaha dowladda ee ku shaqada leh, kana soo qaataan liisanka ganacsiga, ciddii ka hor timaadana sharciga lala tiigsan doono.

Waxa uu xusay in hore ay ganaaxyo lacageed oo kala duwan ugu rideen qaar ka mid ah warbaahinta dalka ka hawlgasha, isla markaana lacagtii laga qaaday aanu isagu qaadan balse lagu shubay xarunta cashuuraha berriga ee wasaaradda horumarinta maaliyadda.

Waxaanu yidhi.β€œDhammaan nooc ay Β tahayba warbaahinta waxaan ka codsanayaa inay qataan liisanka lagu shaqeysto iyo hay’addaha ku shaqada lehba, kawada qaataan.

Hadday tahay wasaaradda warfaafinta, hadday tahay wasaaradda ganacsiga iyo xeer ilaalintaba, saddexda hay’addood ayaa shaqo ku leh, qofkii arrintaasi ka horyimaadana waxa la waafajindoona sharciga Qaranka, cabashadeenuna way badnaanaysaa, qaarbaanu 10-kun oo dollar ku ganaaxnay, qaar na Β 5-kun oo dollar ayaanu Β ku ganaaxnay, ma qaato anigu shaqana kuma lihii, xarunta cashuuraha beriga ee wasaaradda maaliyada ayaa lagu bixiya lacagta.

Tan hadda aan leeyahay hala qaatana waa mid wasaaradda maaliyaddu qaadayso, sharcigana saddexda waaxood ee dalka ayaa bixiya, waxaan uga gudbayna aan wada shaqayno, haddii aynu wax isu sheegno macnaheedu maaha in aynu is neceb nahay, ehelbaynu nahay, wiil iyo adeer tolbaynu nahay, Qaranbaynu nahay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here