Sh. Aadan Siiro: Madaxweyne Rejadii Shacabka Ayaa Yaraatay Intii Aad Joogtay, Dadkiina Xamar Ayay U Hanqal Taagayaan

0
3753

Hargeisa (Hargeisa Press)- Sheekh Aadan Maxamuud Xiir (Sheekh Aadan Siiro) oo ka mid ah culamaa udiinka waa weyn ee Somaliland ayaa waxaa uu si adag uga dayriyay xaalada adag ee ay wakhtigan ku jirto Somaliland.

Sheekh Aadan Siiro ayaa waxaa uu eedaymo culus u jeediyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Sheekh Aadan Siiro oo shir jaraa’id oo uu saaka salaadii Ciidul fitriga ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Somaliland laga leexiyay dariiqii saxda ahaa ee lagu heshiiyay markii dhidibada loo taagay.

Waxaa kale oo uu sheegay in rajadii shacabka Somalilnd yaraatay intii uu talada dalka qabtay Madaxweyne Muuse Biixi, isagoona ugu baaqay Madaxweynaha in uu la tashado dadka.

Sidoo kale, sheekh Aadan Siiro ayaa sheegay in shacabka reer Somaliland u hanqal taagayaan Xamar.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here