Boorama oo Laga Oogay Salaadda Ciidul Fitriga

0
1802

Boorama (Hargeisa Press)- Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa waxaa saaka si weyn looga oogaySalaada Ciidul fidrida.

Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay dhawaan soo saartay amar ah in aan la isugu imaan karin goobaha salaadada ciidda lagu oogo sababo la xidhiidha xanuunka Coronavirus awgii.

Balse dadweynaha ku dhaqan magaalada Boorama ayaan u hogaansamin awaamiirtii xukuumada Somaliland ku mamnuucday in aan la isugu iman karin goobaha salaada ciida lagu tukado.

Sidoo kale, maamulka gobolka Awdal ayaa iyagu fulin amarkii xukuumada iyagoo aan wax talaabo ah oo ay ku joojinayaan tukashada salaada Ciida ee maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here