Faysal Cali Waraabe Muxuu Ka Yidhi Baaq Shacab?

0
2628

Hargeisa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa shacabka Somaliland ku booriyey in ay ka waantoobaan ficilada wiiqaya qarannimada iyo midnimada Jamhuuriyada Somaliland.

Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu sheegay in wax badan khaldan yihiin sodonka sannadood ee ay Somaliland jirtay islamarkaana hogaamin wanaagsan aanu dalku helin.

Sidoo kale, wuxuu ka hadley dhalinyaro reer Somaliland ah oo baraha bulshadu ku wada xidhiidho kaga dhawaaqay magac ay ku sheegeen baaq shacab.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay cadowga Somaliland ku wiirsi iyo maadaysi ka dhigteen weedh siyaasaddeed oo gudaha Somaliland ka socda, kuwaasoo sida uu farta ku fiiqay ah waxyaabo lagu dhaliilay Dawladda.

Wuxuu sidoo kale guddoomiye Faysal sheegay in Somaliland ay tahay Jamhuuriyad barakaysan oo calankeeda tawxiidku ku yaallo, dhakhsana ay u heli doonto ictiraafka.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here