“Sanadkan waxaa qorshaysan in Baliyo iyo Ceelal badan dalka laga qodo”…

0
509

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland Maxamed Xasan (Cali-mareexaan), ayaa sheegay in ay u qorshaysan tahay sanadka soo socda ee 2022-ka in ay dalka ka fuliyaan Baliyo iyo Ceelal badan.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in ay sanadkan u qorshaysan tahay in xooga la saarro biyaha oo Baliyo iyo Ceelal badan dalka laga qodo, isla markaana uu madaxweynuhu arrintaasi amray in dalka laga hirgeliyo.
Waxa kaloo uu wasiir Maxamed Xasan (Cali-mareexaan), sheegay in dhaqaalaha lagu hirgelinayo Ceelashaasi iyo Baliyadaasi lagu daray miisaaniyadda wasaarada biyaha, iyaguna ka masuuliyiin ahaan ay ku dedaalayaan hawshaasi.
Wasiir Cali-mareexaan, waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay munaasibad uu madaxweynaha Somaliland ku daah-furayay xarunta cusub ee maaraynta biyaha dhulka hoostiisa ku jira iyo biyo-xidheennada oo ay hirgelisay wakaallada biyaha Hargeysa.

Wasiirka biyaha Somaliland waxa kaloo uu sheegay in ay socdaan mashaariicda biyo balaadhinta magaaladda Hargaysa, oo hadda meel fiican marayaan, isla markaana dhawaan ay bulshadda caasimadu heli doonaan biyo ku filan.
Geesta kale waxa kaloo uu xusay wasiir Cali-mareexaan, in dadka shacabka ah laga joojiyay in ay ceelal biyood ka qotaan deegaamadda biyo soo saarka Hargaysa ee Geed-deeble iyo Horo-haadlay.
Waxaanu wasiirku u jeediyay bulshadda deegaankaasi in beerahoodda ay u qotaan Baliyo ay ka waraabsadaan, ilaa inta la dhamaystirayo mashruuca biyo balaadhinta Hargaysa.

Maadaama oo aanay biyuhu ku wada filaanaynin beeraha laga waraabsado iyo in caasimadu biyo ku filan hesho, sidaas darteedna looga joojiyay dadka deegaamadaasi in ay qotaan ceelal ay beerahoodda ka waraabsadaan.
Wasiir Cali-mareexaan, waxa kaloo uu sheegay in deraasad lagu samaynayo biyo xidheeno oo ay wadaan khubaro ajaanib ah, iyadoona qorshuhu yahay in la sameeyo biyo xidheen qaadaya biyo dhan dhawr milyan oo metric cubic.

DAAWO: Wasiirka Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here