G/Baanka Dhexe Oo Hadhimo Ku maamuusay Aqoon yahanadii Wax Ku Soo Bartay Hiniya

0
517

Hargaysa (HP):Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa ka qayb galay munaasibad hadhimo sharafeed ah oo uu guddoomiyaha baanka dhexe u sameeyay Aqoonyahanadi ay Waxbarasho wadaaga ku ahaayeen Dalka Inida.


Madaxwayne ku xigeenka Jamuuriyada Somaliland Mudane Abdirahman Ismail Saylici ayaana kulankaasi hadal ka jeediyay.

Ujeedka Kulanka ayaa ahaa is xog-waraysi iyo sidi kor loogu qaadi-lahaa Waxqabadka Ururka Samafalka ah ee Kalkaal Relief and Development Organization (KARDO) Ururkaasi oo ay ku midaysanyihin Aqoonyahanka wax ku soo bartay Dalka India.

Madaxweyne ku xigeenka, iyo aqoon yahanadii ayaa u mahad naqay gudoomiyaha Banka DhexeMudane Eng Ali Abdilahi Dahir, oo munaasibadaasi hadhimada ah u sameeyay aqoon yahankii wax ku soo bartay Hindiya.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here