Madaxwaynaha Somaliland Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kana Hadlay Dagaalkii Dhex Maray Ciidamada Badda Somaliland Iyo Kuwa Jabuuti

0
960

HARGEISA , (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminaayay ayaa maanta dalka dib ugu soo guryo noqday, ka dib markii ay soo dhamaysteen  boqasho ay ku joogeen muddo afar maalmood ah boqortooyada Kuwait  halkaas oo uu ku marti-qaaday Amiirka dalka Kuwait  Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah.

kk

Madaxwaynaha iyo waftigiisa oo ay sidday diyaaradii khaaska ahayd ee boqorka Kuwait uu u soo diray  ayaa ka soo degtay dhabaha  diyuuradaha caalamiga ah ee Cigaal International Airport abbaaro Shantii Galabnimo ee maanta, waxaana ku soo dhaweeyay garoonka  Madaxwayne ku xigeenka  JSL Mudane  Cabdiraxmaan C/laahi Ismaciil (Saylici), Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye, ahna Musharaxa Madaxwaynaha Mudane  Muuse Biix Cabdi, wasiiro Taliyayaasha ciidamada kala duwan ee Qaranka Xildhibaano ka tirsan goloyaasha qaranka, masuuliyiin ka tirsan dawladda  iyo dadwayne tiro badan.

SILA OO DAL

 

Madaxwaynuhu wuxuu mid mid u gacan qaaday  masuuliyiinta soo dhawaysay iyo dadwaynaha ku sugnaa garoonka markuu ka soo degay Diyaarada, isagoo u soo gudbay Xarunta madaxtooyada JSL,  waxaana intuu dhexda ku soo jiray ay dadwaynaha magaaladu u gacan haadinayeen salaamayeena madaxwaynaha Qaranka.

 

Madaxwaynuhu markuu soo gaadhay qasriga madaxtooyada waxa uu salaan sharaf ka qaatay  Cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida iyadoo ay halkaasi ku tumeen Heesta calanka oo ay tumayeen baanboyda Ciidanka  Booliska iyo Militaryga.

SAYL

Madaxwaynuhu waxaa uu ka jeediyay hadal ku saabsan booqashadiisi dalka Kuwait isagoo saxaafada la hadlay, kana waramay socdaalkiisi Kuwait,  waxaana uu yidhi “waxaan safar afar cisho ah  aan ku tagay dalka Kuwait , muddada aan halkaas  joogay waxaan  kulamo la qaatay madaxda dalka Kuwait oo ugu horreeyo  amiirka dalka Kuwait, Amiir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah , Waxaan amiirka kala hadlay sii xoojinta xidhiidhka labada dal, waxaan  si gaara uga mahadceliyay Amiirka mashaariicda horumarineed ee dhaxalgalka ah ee boqortooyada Kuwait  ka fulisay dalka,  kuwaasoo shacbiga iyo dawladda somalilandba dareensan-yihiin.

 

silic

Waxaan u gudbiyay Amiirka mashaariic horumarineed oo muhiim ah, oo Somaliland waxa lagula qabanayo, ugana soo jawaabi doono si dhakhso leh.

 

Sidoo kale, waxaan la kulmay madaxda hay’adaha Khayriyga ee ka hawl gala dalka Kuwait oo ugu horeeyo  Guddomiyaha Guddiga maamulka hay’adaha khayriga, ahna La-taliyaha  amiirka dalka Kuwait , Dr Cabdalla Mactuug Almactuug.

jjh

Waxaanan kala hadlay Abaaraha ka jira Somaliland iyo sida ay gurmad deg deg ah uga  gaysan lahayd Boqortooyada Kuwait, isla markaana ay u sii balaadhin lahayd  taakulaynta ay siiso dadka dhibaatooyinku lasoo darseen.

ggg

 

Gabo-gabadii, waxaan kulan warbixineed, la qaatay jaaliyada Somaliland ee Dalka Kuwait, oo aan ugu waramay ujeeddada safarkayga iyo xaalada guud ee uu wadanku maraayo.”

 

 

Mid ka mid ah Warfidiyeenada ku sugnaa qasriga madaxtooyada ayaa madaxwaynaha waydiiyay  mawqifkiisa ku aadan xad gudubkii ciidanka ka tirsan  ilaalada xeebaha Jabuuti  ay ku dileen hal Askari oo ka tirsan Marines-ka Somaliland mida kalena ay ku dhawaceen ee ka dhacay jasiirada Ceebaad ee Biyaha Somaliland, waxaana madaxweynuhu kaga jawaabay sidan “Ciidamada Jabuuti iyo Somalilandba wixii dhexmaray  annagu haddii aanu  Somaliland nahay wixii dalkayaga difaaciisa khayr ugu jiro, dani  ugu jirto diyaar ayaanu u nahay, waanu difaacno, waana aanu difaacaynaa, waanan ka war qabaynaa, waanan la soconaynaa  INSHAA ALLAHU TACAALAA ”.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here