Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Muqdisho (Sawirro)

0
1082

Muqdisho (Hargeisa Press) – Ugu yaraan shan qof, ayaa ku geeriyooday, halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen qarax xooggan oo loo adeegsaday Gaadhi oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxan, ayaa la doonayay in lagu khaarajiyo Taliyaha guud ee qeybta Booliiska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud, Farxaan Qaroole.

Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo warbaahinta kula hadlay goobtii uu qaraxa ka dhacay, ayaa sheegay inuu qaraxa geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, islamarkaana uu ka badbaaday weerarka Taliye Farxaan Qaroole oo u jeedku ahaa in lagu khaarajiyo.

Goobta qaraxu uu ka dhacay, ayaa waxaa ka muuqday burbur aad u xoogan oo gaadhay dhismayasha ku yaala halkaasi iyo waliba kuwa xaafadaha ka agdhow.

Geesta kale, Ururka Al-shabaab, ayaa sheegatay masuuliyada weerarka qaraxa Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay inay ku dileen 4 askri oo ka tirsnaa ilaalada Taliye Farxaan Qaroole, kuna dhaawaceen 5 kale oo isla ilaalada taliyaha ka mid ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here