Hargeisa (Hargeisa Press) – Yuusuf Al-Raxma oo ah Agaasimaha Hay’adda King Salmaan ee Afrika, ayaa ka warbixiyay mashaariicda ay Somaliland ka wadaan, gaar ahaana mashaariicda kor loogu qaadayo xirfadaha Dhalinyaradda iyo Haweenka Somaliland.
Agaasimaha Hay’adda King Salmaan Yuusuf Al-Raxma oo u waramay warbaahinta dalka Sacuudiga ee Arabnews, ayaa sheegay in waxbarashadan ay bixiyeen ay tahay Diblooma.
Yuusuf Al-Raxma, ayaa sheegay in ay soo gebo gebaysay Hay’adda King Salmaan tabobaro ay ka waday dalka Somaliland meelo kamid ah.
Hay’adda oo dhalinyaradda iyo Haweenka Somaliland ka taageerta kor u qaadida xirfadahooda, ayaa tilmaantay in ay ka qalin jebiyeen tabobarada ay bixiso dhalinyaro iyo haween kala duwan oo reer Somaliland ah, kuwaas oo bartay xirfado ay kamid yihiin Koombiyuutaradda, Xirfada laydhka,dawaarka ,biyo gelinta iyo soo saarista Fooxa.
Waxaanu cadeeyay in ay doonayaan in dhalinyaradda iyo haweenkani ay ku shaqaystaan xirfadihii la baray, isla markaana ay ku taageeraan nolol maalmeedkooda,si ay ugu noqdaan qoysaskooda il dhaqaale.
Masuuliyiinta Hay’adda, ayaa sidoo kale booqday Shaybaadhada waxbarashada ee jaamacaddaha qaarkood,kuwaas oo ay dib u habayn ka socoto, waxaana dib u habayntaas maalgelinaysa Hay’adda King Salman ,waxaanay masuuliyiintani warbixino laga siiyey sida ay hawluhu u socdaan.
Masuuliyiinta ka socday Hay’adda King Salmaan, ayaa ku booriyay masuuliyiinta gacanta ku haysa dib u dayactirka Shaybaadhan in ay laban laabaan dedaalkooda.