Nuqulo Lacag Cusub Ah oo Somaliland Soo Daabacayso oo Laga Digay

0
1250

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa ay ka digeen Lacag Shilinka Somaliland ah oo ay sheegeen in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi qorshaynayso inay soo daabacayso.

Bayaan uu guddidu soo saaray ayuu ku sheegay in iyagoo ku guda jira xog uruurinta asbaabaha keenay qiimo dhaca Shilinka Somaliland iyo sicir bararka ay soo gaadhay xog ah in xukuumaddu daabacayso Lacago Shilinka Somaliland ah.

Guddida, ayaa sidoo kale sheegay in ay soo gaadhay caddaymo iyo dokumantiyo uu ka mid yahay qaansheeg tix-raaceedu ahaa codsi Baanka Dhexe kaga codsanayo Shirkadda DE LA RUE, “Lacag dhan $1,902.587.10”. islamarkaana ay qaansheegtaasi ku cadahay Lacagta ay Shirkadda DE LA RUE ka rabto Baanka Somaliland boqolkiiba labaatan (20%) qiimaha heshiiska Lacagta lagu daabacayo.

Guddida, ayaa sheegay in dhibaatada Lacag la daabaco oo suuqa gashaa ay guud ahaan bulshada danyarta ah ku keeni karto dhibaato.

Ugu dambayn guddida, ayaa waxaa ay sharci darro ku tilmaameen in la soo daabbaco Lacag aanu Golaha Wakiilladu ansixin.

 

May be an image of text

May be an image of text

 

May be an image of ticket stub and text

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here