Booliska Hargeysa oo Qabtay Dad Ka Ganacsanayay Maandooriye

0
400

Hargeysa (Hargeisa Press)- Ciidanka Booliska Somaliland gaar ahaan qaybta Ilaalada Cashuuraha ayaa gacanta ku soo dhigay Khamri fara badan.

Khamrigaasi oo dhamaa 13 Kartoon oo khamri ah oo ay ku jiraan 312 dhalo iyo sidoo kale hal eedaysane iyo gaadhigii lagu siday.

Sidoo kale waxaa la sheegag in baxsaday hal eedaysane oo Ciidanku ku raad-joogo iyada oo si degg degg ah loo horgayn doonaa laamaha sharciga.

Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu digniin u diray dadka caadaystay ka ganacsiga Maandooriyayaasha Khamriga iyo xashiishada waxaanan u soo jeedinaynaa in ay ka waantoobaan.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war ay soo saareen ciidanka boolisku.

“Maanta waxa aanu ummada Somaliland u soo bandhigaynaa Khamriga halkaasi yaala iyo baabuurkaasi ciidanka Booliisku ku soo qabteen buurta Qalax, tirade Khamrigaasi oo ka soo gudbay xadkaasi Itoobiya, waa 13 Kartoon oo isu gayn ay ku jiraan 312 quraaradood oo khamriga ‘’Dry gein’’ la yidhaahdo ah iyo 22 quraaradood oo ah nooca Biir-ka la yidhaa.

Waxaa soo qaybtay Booliiska qaybta ilaalinta cashuuraha oo xuduudaasi u joogay inay kootarabaan ka ilaaliyaan.

Waxay gacanta ku soo dhigeen Khamriga tiradaasi leh iyo Baabuurkii siday iyo hal eedaysane oo ragii Khamriga waday ah, hal nin baa ka cararay midna waa la hayaa, waa guul u soo hoyatay ummada Somaliland ee la dagaalanta sharci darada.

Xeerka number-kiisu yahay 21 ee ka soo baxay golayaasha qaranka Somaliland ayaa mamnuucaya isticmaalka, cabida, ka ganacsiga iyo haysashada maandooriyaha Khamriga, isaga oo Boolisku taasi fulinaya oo shaqadiisu tahay socodsiinta shuruucda qaranka, Khamrigaa kootarbaanka ah ee sharci darada ah bay soo qabteen.

Waxaana laga hortagay kharat iyo mukhaadaraad la galinayay ummada Somaliland naftooda iyo dhaqankooda oo intaba mamnuucka ah kitaabka ILLAAHAY na diiday.

Ummada waxaanu uga digaynaa in ay iska ilaaliyaan Khamriga ama mukhaadaraadka lagu biinayo noloshooda, Booliiskana ku gacan siiyaan la dagaalankiisa oo meel kasta oo la sheego ama lagu hayo ama lagu arko ay Booliska u soo sheegaan’’.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here