Israa’iil oo Duqeymo Ka Fulisay Gaza iyo Dimishiq

0
504

Qudus (Hargeisa Press)- Israa’iil, ayaa xalay duqeymo ba’an ka fulisay Gaza kadib markii ay ka digtay inay xoojinayso duqeymaha ka hor duullaanka dhulka, iyadoo dagaalka ka dhashay weerarka dhiigga badan uu ku daatay ee ay qaadday Xamaas uu Axadda maanta ah galay toddobaadkii saddexaad.

Xamaas, ayaa sheegtay in duqeymaha xalay ee Marinka Gaza ay ku dhinteen ugu yaraan 80 qof, laguna burburiyay 30 guri, sida ay warisay AFP.

In ka badan 40 boqolkiiba dhammaan guryaha Gaza, ayaa waxyeelo gaadhay amaba la burburiyay, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay iyadoo soo xiganaysa saraakiisha deegaanka.

Dhinaca kale, Israa’iil ayaa sheegtay in diyaaradaheedu ay duqeeyeen dhismo ku hoos yaal masjid ku yaala Daanta Galbeed halkaasi ay sheegtay in xubno ka tirsan Xamaas iyo Islamic Jihaad ay ku qorsheynayeen “Weerar Argagixiso oo xilliga dhow ah” sida ay hadalka u dhigtay.

Wafa, oo ah wakaaladda wararka rasmiga ah ee maamulka Falastiin, ayaa sheegtay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay duqeynta, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen dhismaha ka hooseeya Masjidka al-Ansar ee xerada qaxootiga Jenin.

Weerarkan cirka ah ee Israel, ayaa ah ugu yaraan kii labaad ee maalmihii la soo dhaafay ay ka fulisay Daanta Galbeed ee dhulka la haysto, halkaas oo ay ka socdeen rabshado u dhexeeya Yuhuuda la dejiyay iyo Falastiiniyiinta tan iyo 7-dii bishan oo ay kooxda Xamaas ee ka soo jeeda Gaza weerartay Israa’iil.

Dhinaca kalena, Warbaahinta dowladda Suuriya, ayaa warisay in ciidamada Israa’iil ay diyaaradohoodu duqeeyeen garoomada caalamiga ah ee ku yaalla caasimadda Dimishiq iyo magaalada waqooyiga ku taalla ee Xalab.

Waxa ay sheegtay in weerarkaas uu ku dhintay hal qof, isla markaana ay waxyeelo gaadhsiiyeen dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, taas oo keentay in ay shaqada garoomadu joogsato.

Israa’iil, ayaa dhowr duqeymo ka geysatay gudaha dalka Suuriya, oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha, tan iyo markii uu dagaalka billowday. Israa’iil marar dhif ah ayay qirataa weerarradeeda, laakiin waxa ay sheegtay in ay u dhaqmayso si ay uga hortagto Hezbollah iyo kooxaha kale in ay hub kala yimaadaan dalka ay xulufada la yihiin ee Iran, oo sidoo kale taageerta Xamaas.

Lubnaan-na, Xisbullah, ayaa sheegtay in lix ka mid ah dagaalyahannadeeda la dilay Sabtidii, iyadoo ku xigeenka hoggaamiyaha kooxda, Sheikh Naim Kassem, uu ka digay in Israa’iil ay qiimo weyn ku bixin doonto haddii ay bilowdo weerar dhulka ah oo ay ku qaaddo Marinka Gaza.

Israa’iil, ayaa duqeysay bartilmaameedyada Xisbullah subaxnimadii hore ee Axadda maanta ah, iyadoo ka jawaabaysa gantaallo la soo riday, sida uu sheegay milateriga dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here