Mareykanka oo Digniin Culus U Diray Turkiga

0
563

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin, ayaa u sheegay dhiggiisa Turkiga inay si weyn uga soo horjeedaan howlgallada cusub ee ciidamada Turkigu ka wadaan Suuriya, wuxuuna walaac ka muujiyay xaaladda sii kordheysa ee gobolka, sida uu sheegay Pentagon-ka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka, ayaa sheegtay in Austin uu muujiyay sida uu uga xun yahay weerarkii 13-kii November ka dhacay Istanbul.

“Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyay falalka sii kordhaya ee waqooyiga Suuriya iyo Turkiga, oo ay ku jiraan duqeymo cirka ah oo dhawaan dhacay, kuwaas oo qaarkood si toos ah u halis galiyay badqabka shaqaalaha Mareykanka ee la shaqeeya saaxiibada maxaliga ah ee Suuriya si ay u jabiyaan ISIS,” ayaa lagu yidhi bayaanka Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka.

“Xoghayaha Austin wuxuu ku baaqay in xiisadda la dejiyo, wuxuuna la wadaagay sida xooggan ee ay Pentagon-ku uga soo horjeedaan howlgalka cusub ee milateriga Turkiga ee Suuriya.” ayaa raaciyay bayaankan.

Reuters.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here