Maalinta AIDS-ka Adduunka oo Laga Xusay Somaliland

0
1049

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa ay maanta oo kale ay ku beegan tahay 1-da bisha December, dunida, ayaa waxaa laga xusayaa maalinta cudurka HIV-AIDS-ka.

Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland lagu qabtay Munaasibad uu soo qaban qaabiyay Koomiishanka Xakamaynta cudurka AIDS-ka ee Somaliland oo lagu xusayo maalintan.

Munaasibadan xuska maalinta cudurka AIDS-ka, ayaa waxaa laga hadlay maanta dhibaatooyinka uu ku hayo cudurkani dadka la nool, maadaama aanan laga bogsanin.

Sidoo kale, waxaa magaalooyinka kale ee Somaliland iyagan lagu qabtay munaasibado lagu xusayo maalintan caalamiga ah ee AIDS-ka Adduunka.

Hasse yeeshee, Bukaanada qaba virus-ka dhaliya cudurka AIDS-ka, ayaa waxaa ay badankoodu takoor kala kulmaan bulshada.

Tani, ayaa waxey horseedaa in qaarkood ay qarsadaan xannuunkan, iyagoo ka baqaya in lagu ogaado, dabadeedna lagu caayo.

Somaliland, ayaa kamid ah meelaha uu ka jiro cudurkan, inkastoo uu ku yar yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here