Maxay Ka Wadahadleen Wasiir Kaahin iyo Safiirka Denmark?

0
1652

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Yusuf Ismaaciil, ayaa kulan la qaatay Safiirka Cusub ee Dowladda Denmark ee Somaliland iyo arrimaha Soomaaliya, Ambassador Steen Sonne Anderson, oo booqasho yimi dalka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa war bixin ka siiyey Safiirka iyo Wefdigiisa xalaada guud ee amni ee Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo Wasiirku u sheegay Wefdiga in ay Somaliland tahay meesha ugu nabadgelyo fiican marka loo eego Mandaqada Geeska Afrika, nabadaasoo ku timi dedaalka Dowladda iyo Iskaashiga Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee Nabada jecel.

Wasiirka, ayaa sidoo kale uga waramay horuumarka ay Somaliland ku tallaabsatay 30 kii sanno ee u danbeeyey, iyadoo aan gacan ka helin adduunka, balse Horuumarku ku yimi wax wada qabsiga Dowladda iyo shacabka, iyadoo Somaliland ay u taagan tahay nabad iyo horuumar.

Dhinaca kale, Wasiirka iyo Safiirka, ayaa ka hadlay dhinaca doorashooyinka iyo Dumuqraadiyada buuxda ee ka jirta Somaliland, isagoo Wasiirku sheegay in ay diyaariyeen dhammaan wixii dhinacooda ahaa sida dhaqaalaha iyo Amniga intaba, iyadoo Guddiga Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka, ay dhameeyeen hawsha Ururada, ayna u gudbiyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Safiirka cusub ee Dowladda Denmark, ayaa isna ugu mahadnaqay Wasiirka sida wanaagsan ee uu u qaabilay, isagoo sheegay in Dowladda Denmark la shaqaynayso Dowladda Somaliland, dhinaca horuumarka iyo Dumuqraadiyada, isagoo Safiirku Somaliland u ammaanay nabadgelyada iyo horuumarka ay gaadhay.

Kulankan, ayaa ku soo dhamaaday is faham buuxa oo labada dhinac ah.

Wasiirka waxaa kulankan ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda, Dhismaha Nabada iyo Cuqaasha Mustafe Ismaaciil Cabdi.

Safiirkana waxaa kulan ku wehelinayey Safiir Kuxigeenka Dowladda Denmark Ambassador Gertrud Brik iyo Madaxa Xafiiska Somaliland ee Dowladda Denmark.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here