Maraykanka Oo Ka Hadlay Muddo Kordhintii Baarlamaanka Soomaaliya

0
523

Washington (HP): Dawladda Maraykanka ayaa ka hadashay muddo kordhintii ay shalay golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya sameeyeen.

Tallaabadaasi ayay dawladda Maraykanku ku tilmaantay mid wiiqaya amaanka iyo nabadgeliyadda dalka Soomaaliya.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken oo arrintaasi ka hadlay waxa uu yidhi.

“Go’aanka wakhtiga loogu daray dawladda federaalka Soomaaliya wuxuu wiiqayaa ammaanka iyo nabadda dalka”.

Geesta kale, Antony Blinken ayaa ugu baaqay dawladda federaalka iyo maamul goboleedyadda in ay dib ugu laabtaan wadahadaladii.

“Waxaan ugu baaqaynaa dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Maamul Gobolleedyada inay ku laabtaan wada hadalladii, isla markaana ku heshiiyaan jidkii hore loogu socon lahaa” ayuu yidhi Mr. Antony Blinken.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here