Suldaan Ibaraahin Jaamac Samatar oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Magaalada Gabiley

0
1632

Gabiley (Hargeisa Press) – Waxaa goor-dhawayd oo maanta ah magaalada Gabiley aas qaran loogu sameeyay alle ha u naxariistee Suldaan Ibraahim Jaamac Samater oo shalay ku geeriyooday dalka Turkiga

Aaska Suldaanka waxaa ka qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Salaadiin, masuuliyiin kala duwan ka tirsan xukuumadda Somalilnad, maamulka degmada Gabiley iyo dadweyne tiro badan, kuwaas oo marxuunka Alle uga baryay inuu u naxariisto dembigiisana dhaafo.

Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa marxuun Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar ku sifeeyay shaqsi kaalin wayn ku lahaa geedigii nabaydnta iyo dib u dhiska hannaanka dawladnimo ee dalka.

Madaxweyne xigeenka Somaliland wuxuu marxuunka Alle uga baryay inuu u naxariisto, isagoo kana tacsiyadeeyay guud ahaan qaranka Somaliland ee uu ka baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here