Mareykanku oo Muxuu Ka Yidhi Guushii Ismaaciil Cumar Geelle?

0
1104

Washington (Hargeisa Press) – Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay ka hadashay guushii uu Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ka gaadhay doorashadii ka ka dhacday dalkaas.

Dowladda Mareykanka ayaana waxa ay sheegtay in ay la sii shaqayn doonaan madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa u mahadceliyay kormeerayaashii doorashada Jabuuti, balse wuxuu ugu baaqay xukuumadda Jabuuti inay xoojiso arrimaha dimuqraadiyadda iyo hannaanka ku aadan arrintaas oo ay soo jeediyeen kormeerayaashii doorashada.

“Mareykanka wuxuu la shaqeyn doonaa dowladda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka Jabuuti si loo horumariyo danaha inaga dhexeeya” ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo la soo dhigay bogga wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Ismaaciil Cumar Geelle waxaa mar kale dib loo doortay sanadihii 2005, 2011 iyo 2016, iyo sanadkan 2021.

Markii ugu horreysay ee uu Geelle madaxweyne ka noqday Jabuuti waxay ahayd sanadkii 1999, markaas oo xilka uu kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon oo ay qaraabo yihiin, kaas oo dalka xukumayay tan iyo intii ay Jabuuti xornimada qaadatay sanadkii 1977.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here