Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland Oo Muqdisho Isaga Huleelay

0
535

Muqdisho (HP): Waxaa maanta magaaladda Muqdisho dib uga laabtay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland kadib markii ay guuldareysteen dedaalladii la doonayay in xal looga gaadho khilaafka ka taagan doorashada waqtigeeda laga soo gudbay.

Labada Madaxweyne ee Puntland Siciid C/laahi Deni iyo Jubaland Axmed Madoobe, ayaa dhawr jeer hor fadhiistay madaxda dawladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda kale ee maamul goboleedyada.

Laakiin dhamaanba wixii shirar ahaa wax natiijo ah lagama gaadhin is aragyadaasi, kuwaasoo ku soo dhamaaday in ay maanta madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland ay Muqdisho isaga tagaan.

Shalay ayaa Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka waxa uu meel mariyay xeer uu ku sheegay in doorasho toos ah uu dalku aadayo.

Iyadoo muddo kordhin laba sannadood ahna ay u sameeyeen haayadaha dawladda ee waqtigoodu dhamaaday.

Si kasta ha ahaatee, maanta ayay madaxweyneyaasha labada maamul dib ugu laabteen magaalooyinka maamulkaasi ee Garoowe iyo Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here