Banaan-baxyo Rabshado Wata oo Caawa Ka Dhacay Magaalada Burco

0
1907

Burco (Hargeisa Press) – Waxaa magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer caawa ka dhacay banaan-bax rabshado wata oo lagaga soo horjeedo xadhiga General Jaamac Maxamuud Adan Dollaal oo ka tirsan ciidamadda Milateriga Somaliland oo maxkamada ciidamadu xukun ku riday.

Dadweyne ka cadhaysan xadhiga General Dollaal ayaana salaadii Makhrib kadib iskugu soo baxay wadooyinka magaaladda Burco.

Dadweynaha mudaharaadaya ayaa gubaya taayirada baabuurta isla markaana dhagax ku daadinaya laamiyada magaalada Burco oo ay ku dalbanayaan in la sii daayo Generaalka.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ay isku dhaceen ciidamada Booliska magaalada Burco iyo dadka mudaharadaya, iyadoona lagu soo waramayo in ay dhacayso rasaas ay ciidanku u adeegsanayaan si ay dadka u kala dareeriyaan.

Lama xaqiijin ilaa iyo hada khasaare ka dhashay isku dhaca dhexmaray ciidamada iyo mudaraadayaasha.

Maalintii shalay ayay ahayd markii magaaladaasi ay ka dhaceen dibad-baxyo sidan oo kale ay dadweynuhu uga soo horjeedaan xadhiga General Doolaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here