Dhagayso: Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Xubnaha Xukuumaddiisa Iska Casilay

0
1028
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka hadlay xubnaha Xukuumaddiisa ka tirsan ee iska casilay, waxana uu sheegay in wasiirada iscasilay ay xaq u leeyihiin, halkoodiina ay cid kale soo geli doonto.

Hadalkan madaxweynaha, ayaa ka danbeeyay shan wasiir iyo saddex wasiir xigeen oo iska casilay maanta xukuumadiisa, kuwaas oo ay ka mid yihiin wasiiradii madaxtooyada, arimaha dibedda, shaqada iyo arimaha bulshada, cadaaladda iyo hawlaha guud. Wasiir ku xigeenaduna waa, wasiir xigeenadii hawlaha guud, dib u dejinta, iyo shaqada iyo Arimaha bulshada.

 

β€œIscasilaadda waxaan u arkaa dadku hadday maamulka dawladda jirta iyo madaxnimada la socon kari waayaan inay iscasilaan xaq bay u leeyihiin, dawladduna isku adkayn mayso ee inshaa Allah halkoodii dad kale uun baa galaya,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

 

Madaxweynaha oo sii hadlaya waxa uu yidhi β€œ Dawladdu waa madaxtooyo,waxaa xukuma madaxweyne, wixii la socon kari waaya ee la jaanqaadi kari waaya maamulka jira iyo duruufaha dalka ka jira, dee ha iscasilaan haddayd oonayaan oo ha iska tagaan halkoodiina dad kale uun baa galaya,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

 

Madaxweynaha waxaa la waydiiyay inuu dhex ka yahay loolanka Kulmiye β€œEedaas la ii soo jeediyay waxba kama jiraan, anigu cid aan garab siiyay ma jirto, arrintaas golaha dhexe ayaa leh, xisbigu qaab buu leeyahay oo sharciyad buu leeyahay, markaa cida golaha dhexe halka uu maro ee xisbigu maro uun baan marayaa,” ayuu yidhi madaxweynuhu.

 

Madaxweynuhu wuxuu ka gaabsaday musharaxnimada Kulmiye, waxaanu sheegay inuu aqbalayo cidii goosata inay iska tagto, dalkana ay joogaan dad badan oo diyaar u ah shaqada qaranka.

 

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here