Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka qayb galay Xus loo sameeyey maalinta Afka Hooyo.

0
1150

Hargeysa,(HargeisaPress) β€”Xukuumadda Somaliland ayaa si wayn u xustay maalinta loo aqoonsaday afka Soomaaliga oo ku began 21 February oo ku astaysan waqtigii la qoray afka luuqaddan hooyo.

Xaflad ballaadhan oo lagu maamuusayey maalintan afka Soomaaliga, oo maanta lagu qabtay huteelka Maansoor ee Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaacil (Saylici), ahna Ku Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, wasiirka Wasiirka Xidhiidhka golayaasha ee JSL Md Cali Xaamud Jibriil, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada Somaliland Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin Β iyo wasiir-ku-xigeenno, agaasimayaal ka tirsan xukuumadda, masuuliyiinta abwaanno iyo fannaaniin, bahda qallinayda iyo qoraayaasha Somaliland iyo dadweyne badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here