Hargeysa,(HargeisaPress) βHabeenimadii 20kii February 2017, booliska Somaliland waxa ay xidheen saxafi Maxamed Baashe X. Xasan oo ah saxafi iyo qoraa caan ah, islamarkaana hada ah agaasimaha telifiishanka madaxa banaan ee Star tv. Waxaana xadhiga Maxamed Baashe X. Xasan ka danbeeyay kadib markii uu habeenimadii 20/feberey/ 2017, ka qayb galay xuska maalinta dhalinyarada Somaliland oo ka qabsoomay hotel maansoor, ee magaalada Hargeysa.
Maxamed Baashe X.Xasan waxa uu madashii xuska ,isagoo raβyigiisa cabiraaya ka sheegay in uu saluug san yahay kana soo horjeedo qaabka iyo hanaanka loo maamulay bixinta saldhiga ciidan ee imaaraadka laga siiyay magaalada Berbera.
Dhinaca kale afhayeenka booliska,oo ka hadlay xadhiga Β Maxamed Baashe X. Xasan , waxa uu shir jaraaβid, oo uu qabtay ku sheegayΒ in Maxamed Baashe ku kacay falal ah: kicin dadweyne iyo khal khal gelin amni, oo uu ka horyimi mashruuca madaar berbera, islamarkaana uu qaban qaabinaayay shir lagu kicinaayay dadweynaha.
Hadaba iyadoo qaranka Jamhuuriyada Somaliland yahay qaran dimuqraadiya oo shacbigiisu naf iyo maalba u soo horey sidii ay mar uun ugu naaloon lahaayeen qaran dimuqraadiya oo sharcigu sareeyo, islamarkaana Qod:32aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland si cad u qeexay; in muwaadin kastaa uu xor u yahay in uu rayigiisa cabiro, kuna bandhigo qoraal, hadal, muuqal iyo suugaan; iyo in uu xor u yahay in uu abaabulo, kana qayb qaato kulan ama banaan-baxΒ nabadeed oo uu dareenkiisa ku cabiraayo;Waxa Ururka Qareenada Somaliland (Solla) sida uguΒ adag u canbaareynayaa xadhiga sharci darrada ah ee lagula kacay saxafiΒ Maxamed Baashi X. Xasan, oo ah shakhsi qiimo badan ku leh bulshada Somaliland, oo ka mid ahaa foolaadkii keenadiidka ahaa ee wakhtigooda u huray halgankiiΒ dib u xoreynta qaranka Jamhuuriyada Somaliland.
Sidoo kale waxa Ururka Qareenada Somaliland walaac xoogan ka muujinayaa qodobada qayru dastuuriga ah, ee ka hor imanaaya xoriyaadka aasaasiga ah ee uu dastuurku u damaanad qaaday muwaadiniinta , sida Qod: 321 X.C.G, oo ah mid ka mid ah qodobadii uu nidaamkii kali taliska ahaa ku cabudhin jiray shacbiga cidii raβyigeeda iyo rabitaankeeda cabirta. WalinaΒ lagu dhaqmo oo ah qodobka ugu badan ee lagu soo eedeeyo muwaadiniinta cabiraada raβyigooda loo soo xidho.
Ugu danbeyn Ururka Qareenada Somaliland, waxa uu xukuumada ugu baaqayaa in ay si deg deg ah oo shuruud laβaan ah xoriyadiisa ugu soo celiyso Saxafi Maxamed Baashe X.Xasan , oo ay dhawrto ku dhaqanka Dastuurka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.
Jamaal Hussien Ahmed ( Mandeela).
Xog-hayeha Guud Ee Ururka Qareenada Somaliland.
Mobile: 0634122290.