Madaxweyne Biixi: Dab ayaa Iga Raaca Haddii aan Wareegtada ku Sheego in Ruuxa Xilka Laga Qaaday uu Lacag Cunay

0
930

Madaxweynaha Somaliland oo xilalkii ka qaaday Wasiirro iyo Agaasime Guud oo la ogaaday in musuqmaasuq ka dhacay Wasaaradaha ay masuulka ka ahaayeen + sababta xil-ka-qaadistooda loogu sheegay inay meerto tahay.

Hargeysa, (HargeisaPress) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah xilalkii uga qaaday Wasiirradii Wasaaradaha Warfaafinta iyo Gaashaandhigga Somaliland, Wasiir-ku-xigeenkii Warfaafinta iyo Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland, ayaa toddobaadkii hore saxaafadda u sheegay in Hanti-dhawrka Guud u soo gudbiyey eedaymo musuqmaasuq oo ka dhan ah masuuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta iyo Gaashaandhigga Somaliland, iyadoo uu sharcigu dhigayo in xubnaha Golaha Wasiirrada ee eedaymo noocan ah loo jeediyo ay waajib tahay in Madaxweynuhu xilka ka qaado si loogu soo oogo dacwadaha loo haysto.

Haddaba, wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi shalay laguma caddayn in xil-ka-qaadistoodu la xidhiidho eedaymaha musuqmaasuq ee loo haysto masuuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta iyo Gaashaandhigga, balse taas beddelkeeda waxa uu xubnahan uga mahadceliyey muddadii ay hayeen xilalka qaranka, waxayna wareegtada xil-ka-qaadista ah ee Madaxweynuhu u qornayd sidan;

“Ujeeddo: Xil-ka-qaadista Wasiirrada

Ku: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo); Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

Ku: Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle; Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ku: Maxamed Muuse Abees, Wasiir-ku-xigeenkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

Mudanayaal, sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta (Sabtidii shalay ee taariikhdu ahayd 30 March 2019) aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa:

  1. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.
  2. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.
  3. Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Geesta kale, Madaxweyne Muuse Biixi oo khubad ka jeediyey xafladdii lagu furay Kuliyadda Tabobarka Macallimiinta Somaliland taariikhdu markii ay ahayd 6 February 2019, ayaa soo bandhigay sababta looga baqo in masuuliyiinta eedaymo musuqmaasuq iyo hanti-lunsi ah xilalka looga qaado wareegtada xil-ka-qaadistooda loogu xusi waayo inay hanti ummadeed lunsadeen.

“Haddii la yidhaahdo inanka kastamka jooga waa la beddelay, ma nidhaahno lacag ayuu cunay oo wuu khaldamay iyo waxaas la midka ah ee waxa aannu nidhaahnaa xilku waa meerto, waayo haddii kale dab ayaa iga raacaya oo ummad dhan ayaannu is dilaynaa oo odhanaysa maxaa loo sheeganayaa waa inna hebel eh. Qofka shaqada aad u dirtay waad ku eegaysaa oo haddii uu sidii loogu talogalay u qaban waayo, waxa aad odhanaysaa beddel (waxaanna markaasba lagu odhanayaa) reer hebel ayaad taabatay…Nin walba heli maayo gurigiisa iyo qoyskiisa oo dowlad ah oo kelidaa sax ma tihid marka aad adiga, islaantaada iyo ina-adeerkaa aad gurigiina ku sheekaysanaysaan, taasina maaha wax soconaya,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here