Madaxweyne Ku-xigeenka Oo $34500 Ku wareejiyey Maamulka gobolka Buuhoodle

0
658

Qorilugud (HP): Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa qaadhaan lacageed ku wareejiyay maamulka gobolka Buuhoodle.


Qsadhaankaasi lacageed oo gaadhaya $34500 (Afar iyo soddon kun iyo shan Boqol) oo doollar oo ay xukuumaddu kaga qaybqaadanayso taakulaynta abaaraha ku wareejiyey maamulka gobolka Buuhoodle.


Munaasibadda wareejinta deeqdan oo ka qabsoonta degmada Qorilugud ee gobolka Buuhoodle, ayuu madaxweyne-ku-xigeenku ku faray maamulka gobolka iyo degmooyinka hoos yimaaddaba inay bulshada abaartu hayso la gaadhaan biyo degdeg ah oo ay harraadka kaga baxaan.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here