Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Oo Qaabilay Guddoomiyaha Aston College Austrelia

0
1472

Hargeysa (HP): Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha iyo aas-aasaha jaamacadda Aston College, ee dalka Australia, Tony Osmani.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), madaxweyne ku-xigeenka JSL waxaa kulankaasi ku wehelinayay guddoomiyaha Jaamacadda Gollis Siciid Maxamed Axmed iyo Nasriin Muxumed Axmed, oo ka mida masuuliyiinta Jaamacadda.

Kulankan oo ay qayb weyn ka ahayd Jaamacadda Gollis oo iyagu dalka keentay guddoomiyaha iyo aas-aasaha Aston College, si uga mid noqdo horumarka dhinaca waxbarashada ee dalku ku tallaabsaday.

Waxaanu madaxweyne ku-xigeenka Somaliland warbixin ka siisay fursadaha qaranka uga bannaan heshiisyada caalamiga ah ee dhinacyada kala duwan leh ee dalka ku soo jiidaya maalgashayadaasha ka imanaya dunida dacaladeed.

Kulankaasi ayaa lagu lafo-guray xoojinta iyo iskaashiga u dhexeeya waxbarashada jaamacadda Gollis ee Somaliland iyo Aston College ee dalka Australia sidii loo balaadhin lahaa ee ay ardayda ka baxda Somaliland deeqo waxbarasho uga heli lahaayeen dalkaas.

Dhinkiisa Guddoomiyaha iyo aas-aasaha Aston College, Tony Osmani, waxa uu sheegay inuu dalka ku arkay horumar ballaadhan oo dhanwalba ah, gaar ahaana dhinaca waxbarashada dadkiisina gaadhsiin doono fursadaha maalgashi ee halkan ka bannaan.

Ugu danbayna madaxweyne ku xigeenku waxa uu aad u soo dhaweeyey iskaashiga labada dhinac.

Waxaanu ku aammaanay jaamacadda Gollis kobcinta iyo horumarka waxbarashada ee fursadaha kala duwan ee ay ardaydeeda u raadinayso Jaamacaddu.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here