“Dadka Naafadda ah masuuliyad gaara ayay xukuumadda Kulmiye iska saartay…”

0
422

Hargaysa (HP): Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa maanta magaalada Hargaysa kaga qayb galay xuska maalinta Naafadda Adduunka.

Munaasibada oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Somaliland waxa kaloo ka soo qayb galay qaar ka mid ah golaha wasiirrada Somaliland, haayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka shaqeeya arrimaha Naafadda, ururada dadka naafada ah iyo marti sharaf kale.

Wasiirka wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo munaasibadaas ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey sida ay xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisaba uga go’an tahay horumarinta dadka Naafada ah.


Waxaanu wasiirku tusaale usoo qaatay qorshayaasha qaran ee xukuumadu ku horumarinayso dadka Naafada ah.

Waxaanu yidhi “Dadka nugul masuuliyad gaar ah ayaa inaga saaran, waxaad og tihiin in siyaasada xisbiga Kulmiye iyo ta xukuumada ba si gaar ah loogu xusay”.

Geesta kale wasiir Maxed Xaaji Aadan, ayaa tilmaamay xeerarka iyo shuruucda dalku ay muhikmad weyn siiyeen arrimaha dadka Naafadda ah, isla markaana ay xukuumadu si gaar ah isaga xil saartay wax u qabashadda dadka Baayaha gaarka ah qaba.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here