Safiirka Somaliland Ee Kenya oo La Kulmay Guddoomiyaha Aqalka Odayaasha Kenya

0
1380

Nairobi (Hargeisa Press)- Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Amb. Maxamed A. Maxamuud Barwaani iyo madaxda Safaaradda Somaliland ee Kenya, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Senate-ka ee dalka Kenya Hon. Amason Kingi oo ay weheliyaan mudanayaal ka tirsan golaha Senate-ka.

Kulanka, ayaa waxaa lagaga wadahadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada dimuqraadiyadda, dhaqaalaha, ganacsiga, amniga iyo isku socodka dadka.

Hore, waxa safiirka Somaliland kulamo midho dhal ah ula qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Kenya Hon. Moses Wetangula, halkaas oo lagu meelmariyay laguna aasaasay Golaha Saaxiibada Somaliland ee Baarlamaanka Kenya ama Somaliland-kenya Parliamentary Caucus.

Xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya ee dhinacyada dowladda, baarlamaanada iyo shacabka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey si weyn u soo xoogaysanayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here